Wararka Gudaha

Itoobiya oo 2 Sano oo Xarig Ah Ku Xukuntay Sheekh Soomaaliyeed oo Da’ Ah.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga oo kamid ah dhulka Soomaaliyeed ee ay xoogga ku haysato Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in maamulka Tigreega taabacsan ee halkaasi ka jira uu xabsiga u taxaabay Sheekh Soomaaliyeed oo halkaas kutub ku aqriyi jiray.

Sheekhan oo lagu magacaabo Sheekh C/naasir Xusen Cismaan ayaa lagu xukumay laba sano oo xarig ah iyadoo lagu heysto duruustii uu aqrinayay oo uu maamulku dhibsaday.

Maamulkan Xabashi kalkaalka ah ayaa horey u xiray wiil uu dhalay Sheekh C/Naasir kaas oo dadka ducaada ah kamid ahaa kaas oo lagu xukumay 10 sano oo xarig ah.

Ma jiro wax war ah oo ay arrintan kasoo saareen wadaadaha Soomaaliyeed ee xiriirka la leh Itoobiya sida Ictisaam oo la og yahay in ay yihiin kuwii Fatwooday iney hubka dhigto isna dhiibto Jabhaddii Soomaali-galbeed.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*