Maxaa Cusub

Faahfaahin Kasoo Baxaysa Weerarkii Duleedka Buulo-mareer.

Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysay weerarkii ay duhurnimadii maanta ciidamada Al-Shabaab ka geysteen inta u dhaxaysa Golweyn iyo Buulo-mareer kuna qaadeen ciidamada Amisom.

Wararku waxay xaqiijinayaan in ciidamada Uganda laga dilay ugu yaraan afar askari kadib markii dhabbaha loo galay islamarkaana ooda looga qaaday rasaas isugu jirta mid culus iyo mid fudud.

Askartan ayaa ka baxay magaalada Buulomareer waxaana ay ku jeedeen magaalada Muqdisho, waxaana jirta in ka hor inta aysan iman Buulomareer ay weeraro kusoo qabsadeen wadada xiriirisa Baraawe iyo Buulomareer.

Ciidamada Amisom ayaa ku dhib qaba isticmaalka wadooyinka, gaar ahaan xilliyada ay saadka isgaarsiinayaan, saasoo ay tahayna ra’iisulwasaare Kheyrre ayaa khudbad uu habeen hore jeediyay ciidamadan uga codsanayay iney u furaan wadada xiriirisa Baydhabo iyo Muqdisho!

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*