Wararka Gudaha

Sawirro: Askar Kasoo Goostay DF oo Lagu Soo Bandhigay Sh/Hoose.

Askar kasoo goostay DF ayaa isku dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kuwaasoo lagu soo bandhigay gobolka Sh/Hoose.

Askartan oo labo ah ayaa waxa ay ka hawl gali jireen aagga Marko iyo Shalaambood, waxaana ay lasoo baxsadeen hubkii ay ku shaqeynayeen.

Waxay sheegeen in sababaha ay DF uga soo bexeen ay kamid yihiin iyadoo mar walba ay ku jireen dullinimo maadaama ay ka hoos shaqeynayeen ciidamo shisheeye, difaacna u ahaayeen.

Sidoo kale waxay sheegeen iney usoo joogeen qofkii dukada salaadda oo laga shakinayo. Intaa waxa dheer dhaqan xumada ciidamada DF oo ay ka xuseen kufsiga gabdhaha muslimaadka ah ee Soomaaliyeed, dhaca IWM.

Waxay sheegeen in qudhoodu ay qeyb ka ahaayeen dhaca iyagoo si gaar ah u qirtay iney dheceen maandooriyaha loo yaqaano Qaadka, balse aysan ku lug lahaan kiisas kale.

Waxay saxaafadda u sheegeen iney ka towbad keeneen kamid ahaanshiyihii ciidamada DF iyo la shaqeynta askarta shisheeye ee diimaha kale heysta.
Xigasho: Radio Al-furqaan

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*