Wararka Gudaha

Al-Shabaab oo Sheegatay Qarax Lagu Dilay Agaasimihii Wasaradda Boostada Iyo Isgaarsiinta Ee DF. (Sawirro)

Faahfaahin ayaa laga helayaa qarax xooggan oo shalay galinkii dambe ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo lala beegsaday mas’uul ka tirsanaa xukuumadda Kheyrre.

Gaari nooca raaxada ah oo uu saarnaa agaasimaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa qaraxa lala beegsaday, waxaana halkaa ku dhintay Agaasimaha wWasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Saacid Xooki Jaamac, oo bar-tilmaameedka ahaa sida laga soo xigtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

“Mujaahidiinta ayaa qarax ka dhacay degmada Waaberi ku dilay agaasimihii wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta Kooxda Ridada oo lagu magacaabi jiray Saacid Xuuki” sidaa waxaa lagu yiri war rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

 Qaar kamid ah wasiirada xukuumadda Kheyrre ayaa sheegay iney ka tacsiyeynayaan weerarkan lagu dilay agaasimihii wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si joogto ah loogu beegsadaa golayaasha dowladda iyo ciidamadaba. Intaa waxa dheer weerarada lala beegsado ciidamada shisheeye.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*