Wararka Gudaha

Gaari Gaashaaman oo Amisom Looga Gubay Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa galinkii dambe ee maanta ka dhacay qarax weyn oo kala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada shisheeye ee Amisom.

Gaadiidkan oo marayay wadada Janaraal Daa’uud ee degmada Yaaqshiid ayaa waxaa midkood haleelay qarax miino iyadoo dad goob joogayaal ah ay inoo xaqiijiyeen inuu burburay gaarigaas oo noociisu ahaa Taw.

Askartii saarnayd gaariga ayaa sidoo kale dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa. Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*