Wararka Gudaha

Askari Ka Tirsan DF oo Lagu Khaarajiyay Duleedka Muqdisho Kadibna …

Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda oo kamid ah meelaha ugu badan ee lagu beegsado ciidamada dowladda iyo kuwa shisheeye ee heysta caasimadda ayaa aad usoo badanaya iyadoo weerarkii ugu dambeeyay lagu dilay askari.

Weerarka oo ka dhacay degaanka lagu magacaabo Weydow ayaa waxaa geystay rag hubeysan sida ay goob joogayaal inoo sheegeen kaasoo lagu beegsaday askari ka tirsan ciidamada DF.

Askariga la dilay oo wararka qaar sheegayaan inuu kamid ahaa ciidamada Milatariga ayaa waxaa horey looga sii qaatay qori uu watay. Xarkaada Al-Shabaab ayaana ka dambeysan sida xogta lagu helayo.

Meydka askariga oo muddo meesha yaallay ayaa waxaa qaatay ciidamo kale oo gurmad ahaan ugu yimid. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay DF kuna aadan dhacdadan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*