Wararka Gudaha

Dhageyso Al-Shabaab oo Fashiliyay Weerar Ay Mareykanku Ku Qaadeen Degmada Awdheegle.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay dagaal adag la galay ciidamada Mareykanka ee Bankaraf oo duullaan kusoo qaaday degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Duullaanka oo u muuqday mid ay Mareykanku ugu tala galeen hab gaadmo ah ayaa dhanka kale u muuqday iney Xarakada Al-Shabaab si buuxda ula socotay waana midda keentay in ciidamada Bankaraf ay kala kulmaan khasaare.

Mareykanka ayaa markii uu ku fashilmay hadafkii uu beegsanayay ku khasbanaaday inuu ku dadaalo sidii aysan ciidamadiisii dhulka ka dagaalamayay ugu gacan galin Xarakada Al-Shabaab, waxaana ay dhanka hawada kasoo tuureen dhowr gantaal oo ay ka dheceen guryaha dadka shacabka ah.

Illaa afar guri oo ay duqeeyeen ayaaney jirin cid ku dhimatay ama ku dhaawacantay sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah milkiilayaasha, waxaana xusid mudan in ugu dambeyntii ay ciidamada Bankaraf ka baxsadeen dagaalka.

Aagaggii ay ka dagaalamayeen iyo jidkii ay ku bexeenba waxaa buuxa calaamado dhiig ah oo ka marqaati kacaya xaddiga khasaaraha soo gaaray. Qof kamid ah dadkii tagay goobahaas wuxuu inoo sheegay inuu indhihiisa ku arkay faashadaha iyo qaar kamid ah qalabka gargaarka degdegga.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab-na waxay dhankeeda arrintan kasoo saartay war qoraal ah: “Mujaahidiintu si adag ayay isaga difaaceen weerar ay ciidamo saliibiyiin Mareykan ah iyo maleeshiyaadka Murtadiinta Bangaraafta kusoo qaadeen degmada Awdheegle ee wilaayada islaamiga Sh/Hoose, Alle Mahaddiis gaaladu waa ku fashilmeen ujeedkii weerarkooda mujaahidiintuna dharbaaxo adag ayay ku dhufteen markii damabana waxay maciin bideen duqeymo xagga cirka ah iyana wax khasaara ah kamasoo gaarin muslimiinta” Sidaasi waxaa yiri sarkaal u hadlay Al Shabaab.

Mareykanka ayaa dhowr jeer fashil iyo khasaare kala kulmay duullaanno uu ku qaaday degmada Awdheegle iyo degaanada hoos taha sida Mubaarak iyo Daarusalaam isagoo qaar kamid ah degaanadaasi uga cararay meydad iyo xubno jirka ciidamadiisa kamid ah.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA MID KAMID AH DADKA AWDHEEGLE.
Xuquuqda codka waxaa leh oo aan kasoo qaadanay warka subaxnimo ee Radio Al-Furqaan.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*