Wararka Gudaha

DF: “1024 Muwaadiniin Soomaaliyeed Ah Ayaa Ku Xiran Xabsiyada 22 Dal oo Caalamka Ah”

Dowladda Federalka ayaa sheegtay in dad badan oo Soomaali ah ay ku xiran yihiin xabsiyada caalamka kuwaasoo intooda badan loo heysto burcad badeed-nimo.

Axmad Cali Daahir oo ah xeer ilaaliyaha guud ee DF oo u waramayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay jiraan dhibanayaan badan oo Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyada 22 dal oo caalamka kamid ah inta ay hadda ogyihiin, tiradooduna ay gaareyso 1024 (kun iyo labaatan iyo afar)

In ka badna tiradan uu sheegay xeer ilaaliyaha ayaa ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho oo kaliya, kuma soo hadal qaadin war bixintiisa. Bishii May ee Sannadkan waxaa xabsiga dar xumo ugu geeriyooday qof haweeney ah oo muddo 10 sannadood ah ku xukunnayd.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*