Wararka Gudaha

Sarkaal Ka Tirsan DF oo Maanta Muqdisho Lagu Dilay Iyo Al-Shabaab oo Sheegtay.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ka dhacay mid kamida xaafadaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Xoogag hubeysan ayaa saaka aroortii mid kamida mas’uuliyiinta waaxda Canshuuraha dowladda Federaalka ku dilay xaafadda Raadaarka degmada Dayniile sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Al Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerar lagu dilay Cabdi Cismaan Afrax (Cabdi Biifane) oo ahaa sarkaal katirsan waaxda canshuur aruurinta dowladda sida lagu sheegay war rasmi ah oo Xarakada kasoo baxay.

Sarkaalka ladilay ayaa caan ka ahaa degmooyinka Dayniile iyo Hodon isagoo ganacsatada ka qaadi jiray lacagaha Canshuurta loo yaqaan ee ku dhaca qasnadda wasaaradda Maaliyadda DF-ka.

Al Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay weeraro dilal ah ka fulinaysay xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir, dilalka ayaa lagu beegsaday askar iyo saraakiil katirsan DF-ka.
Xigasho: Somalimemo.net

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*