Wararka Gudaha

Idaacadda Andalus Oo Goordhaw Baahin Doonta Dardaaranka Raggii Fuliyay Howlgalkii Gaalkacyo.

Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa caawa Baahin doonta barnaamij gaar ah oo ku saabsan duullaankii lagu dilay gaalkii Aflagaadeeyey Rasuulka Allaah ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta wilaayada Mudug.

Barnaamijkan oo ah mid xiiso gaar ah xambaarsan ayaa lagu soo bandhigi doonaa wejiga dhabta ah ee Shakhsiyada Cabdi Wali Cali Cilm, howlaha diin la dirirka ah ee uu ku howlanaa iyo duullaankii barakeysnaa ee lagu beegsaday xaruntiisa magaalada Gaalkacayo.

Wuxuu barnaamijku sidoo kale soo gudbin doonaa magacyada, taariikhda iyo codadka halyeeyadii fuliyay duullaankii lagu khaarijiyey gaal Cabdi Wali.

Barnaamijkan oo la dhageysan karo ku dhawaad muddo 50 daqiiqo ah ayaa soo gali doona caawa Insha’Allaah marka ay saacadu ku beegantahay saddexda fiidnimo wuxuuna gali doonaa booskii barnaamijka Faafreebka wararka Insha’Allaah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*