Wararka Gudaha

Xildhibaano Badan oo Mooshin Ka Gudbiyay Farmaajo Iyo Gudoonka Baarlamaanka oo Aqbalay.

Xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa mooshin degdeg ah ka gudbiyay Madaxweynaha DF Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyagoo sheegay iney ku heystaan jabinta qodobo dastuuri ah.

Si gaar ah xildhibaanada ayaa mooshinkooda ku sheegay in Farmaajo uu heshiisyo sharci darro ah lasoo galay Madaxda dalalka Itoobiya iyo Eratariya waxaana ay muujiyeen inuusan mudnayn inuu Madaxweyne ahaado.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ay maalmihii lasoo dhaafayba is khilaafsanaayeen Farmaajo ayaa aqbalay soo jeedinta waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda la guda galo.

Waa culeyskii ugu darnaa ee Farmaajo kasoo wajaha xildhibaanada. Horey waxay isaga iyo Ra’iisulwasaarihiisa ugu guleysteen iney meesha ka saaraan Jawaari oo ahaa gudoomiyaha Baarlamaanka, kadibna waxay muujiyeen iney heleen nin iyaga u nugul balse waxaa muuqanaya in sheekadu sidaa haatan ka duwan tahay.

HOOS KA AKHRISO MOOSHINKA

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*