Wararka Gudaha

Ergay Wax Kasoo Xulay Xildhibaanada K/Galbeed Iyo Labo Askari oo Muqdisho Lagu Dilay.

Magaalada Muqdisho waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay weeraro lagu khaarajiyay Ergay wax kasoo xulay Xildhibaanada Koofur Galbeed iyo labo askari oo ka tirsan ciidamada DF.

Ergayga xildhibaan ayaa waxaa lagu dilay degmada Waabari ee gobolka Banaadir kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen sida laga soo xigtay goob joogayaal.

Ninkan ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Caddow Abuukar, waxaana muddo kadib dhacdada meydkiisa qaaday xubno ka tirsan Dowladda Federalka ah.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Ergaygan. Sidoo kale waxay ciidamada Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho fuliyeen hawl gal kale oo ay ku dileen labo kamid ah askarta DF.

Askartan ayaa waxaa si bareer ah loogu toogtay isgoyska Balaaksii, waxaana horey looga sii qaatay qoryihii ay wateen. Ma jiro wax war ah oo arrintan ku aadan kana soo baxay DF.

Magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda ayaa waxaa maalin walba ka dhaca weeraro ka dhan ah DF iyo ciidamada shisheeye. Shalay galinkii hore ayay ahayd markii gaari ay saarnaayeen ciidamada DF lagu qarxiyay degaanka Ceelasha Biyaha kaasoo ay ku dhinteen shan kamid ah askartii la socotay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*