Wararka Gudaha

Khilaafka Madaxda DF Ma Mid Iska Yimid Baa Mise Dowlado Ayaa Hurinaya? (Faallo)

Marka la doonayo in si dhab ah loo ogaado gunta khilaafka haatan ka dhex jira Madaxda Dowladda Federalka waxaa khasab ah in dib loo akhriyo taariikhda dowladda iyo habkii lagu soo unkay.

Sannadkii 2004, ayay ahayd markii DF lagu soo dhisay dalka Kenya gaar ahaan xerada Doofaarrey.

Qaab dhismeedka dowladda ma ahayn mid waafaqsan habka nidaamka Islaamiga ah iyo kan shisheeyaha intaba ee waxa uu ahaa nidaam cusub oo la yiraahdo 4.5 (Afar dhibic shan) Micnaha 4.5, waa 4 qabiil oo waaweyn iyo kuwa nus ah.

Markii lagu dhawaaqay habkan, dad badan oo waaya arag iyo waaya aqris isugu jira waxay xusuusisay eray bixintii caanka ee ahayd (Inta kale ma rootiyaa!)

Nidaamkaas isaga ah waxaa looga gollahaa dhaqan galinta hadal caan baxay oo uu jaamacad ku taalla Mareykanka ka jeediyay Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel arap Moi.

“Annaga iyo Itoobiya waxaan ku heshiinay ineysan dib dambe Soomaaliya uga dhalan dowlad jirta oo macno leh” ayuu sannadkii 2004- ku khudbeeyay Moi.

Sidoo kale General Gabre oo Itoobiya uga wakiil ahaa shirkaas iyo sida xilalka loo qeybinayo ayaa xildhibaano ay kamid ahaayeen Sakariye Maxamuud Xaaji iyo Maxamad Cabdi Yuusuf u sheegay in ay Soomaaliya la heleen dabinkii ay la doonayeen oo ah in siyaasadda lagu saleeyo qabiil (4.5)

Markii sidaa lagu dhisay DF islamarkaana Madaxweyne loo doortay Cabdullaahi Yuusuf waxay Itoobiya iyo Kenya is lahaysiiyeen dalkeena, waana tii ay ciidamada Xabashidu iskood usoo galeen.

Sidaa si lamid ah Kenya ayaa sannadkii 2011-kii kasoo tallaabsatay xad beenaadka iyadoo aanan xataa ku war galin dowladdii markaa jirtay oo uu Madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmad.

Markii uu Shariifku sheegay ineysan ka war qabin soo galitaankooda, wasiirkii arrimaha dibadda ee dalkaas Moses Wetangula ayaa saxaafadda ka sheegay ineysan fasax uga baahnayn dowladda waayo buu yiri’ “waa caruurteena oo hankan Nairobi ah ayaan kusoo abuurnay”

MAXAA LAGA DHAXLAY 4.5

Inkastoo uusan nidaamkan ka gadbin bulsho-weynta Soomaaliyeed ayaan haddana dhanka kale la inkiri karin inuu abuuray jah wareer siyaasadeed iyo iney saldhigan weydo dowladdii lasoo sameeyay dhowr iyo toban sano ka hor.

Dowladdu waxay noqotay mid u habeysan istaraatiijiyaddii loo dhisay oo ahayd ineysan dib dambe Soomaaliya uga dhalan dowlad jirta oo rasmi ah, waana midda keentay musuqa iyo khilaafka joogtada ah.

Madaxweynihii ugu horreeayay ee C/llaahi Yuusuf waxay isku dheceen labo Ra’iisulwasaare oo kala ahaa Nuur Cadde iyo Cali Maxamad Geedi.

Mar isaga ayay Itoobiya la safatay oo uga hiillisay Cali Maxamad Geedi, marna wey ka safatay oo waxay soo saartay Nuur Cadde. Waana dabeecad lagu yaqaan.

Madaxweynihii xigay oo ahaa Shariif, waxay isku dheceen labo ra’iisulwasaare oo kala ahaa Farmaajo iyo Cumar C/rashiid, labada marna isaga ayay shisheeyuhu la safnaayeen oo waatii Farmaajo looga yeeray Kambala laguna soo amray inuu is casilo.

Madaxweynihii sadaxaad oo ahaa Xassan Sheekh waxay is khilaafeen labo ra’iisulwasaare oo kala ahaa Saacid Shirdoon iyo Cabdi Wali Sheekh Axmad.

Farmaajo, Gudoomiyaasha Baarlamaanka & Madax Goboleedyada.

Farmaajo oo ah Madaxweynihii afaraad tan iyo markii dowladda lagu soo yabyabay Kenya ayaa dhowr jeer sheegay ineysan marnaba isku dhici doonin isaga iyo Ra’iisulwasaaraha kadib markii uu dantiisa ka arkay arrintaas.

Ra’iisulwasaaraha waxaa wadatay shirkadda Soma Oil & Gas ee lagu soo dhisay shirkii koowaad ee London, wuxuuna shirkaddaasi ku matalayay dowladda Norwey oo doonaysa iney badda Soomaaliya shidaal ka qodato, waana midda Kheyrre u saamaxday inaan si degdeg ah loo eryi karin.

Balse halkii ay isku dhici jireen Madaxweynaha iyo ra’iisulwasaaraha ayaa waxay sheekadu u weecatay Madaxweynaha iyo Madaxda Maamul Goboleedyada, Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha oo isku dhinac ah waxay ku guuleysteen iney xilkii ka xayuubiyaan, Hogaamiyihii hore ee Hirshabelle, Cosoble, markii ay is maandhaafeen, waxaana ay keensadeen Maxamad Cabdi Waarre.

Sidoo kale waxay ku guuleysteen iney kursiga ka tuuraan Hogaamiyihii Galmudug, Balse waxay ku fashilmeen iney keensadaan nin iyaga taabacsan, taa badalkeedana dowladaha Carabta ayaa dhaqaale ku suura galiyay in uu Xilka la wareego Xaaf, kaasoo markii ay dowladda iyo Imaaraadka isku dheceen la saftay Imaaraadka sheegayna inuu Dubai u doontay Qaraab oo la micno ah (Shaxaad)

Horraantii sannadkan waxaa isku dhacay Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaarihiisa oo dhinac ah iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka Maxamad Cismaan Jawaari, waxaana ay ku guuleysteen iney dhaqaale ku laaluushaan xildhibaanda kursigana laga tuuro.

Jawaari waxay uga badal qaateen Maxamad Mursal oo ahaa Wasiirkii Gaashaandhigga iyagoo kula heshiiyay inuusan marnaba ka hor iman wax walba oo xagooda ah.

Mudadii uu xilka ku cusbaa Mursal waxaa Madaxda DF kusoo jeestay Maxamad Cabdi Waare oo ay iyagu geysteen magaalada Jowhar kadib markii la sheegay inuu lacag ka qaatay Madaxda kale ee maamul goboleedyada inkastoo markii dambe uu kasoo laabtay, culeys la saaray iyo dhaqaale laga jartay aawgii.

Culeys kaa lamid ah ayaa waxay dowladdu saartay Xaaf, laakin ma suura galin waana tii uu ciidamadiisa u sheegay ineysan waxba uga baahnayn dowladda maadaama ay boqol Isbaaro u taallo.

Gudoomiye Maxamad Mursal Iyo Sucuudiga.

Arrimahan iyo lacag la sheegay in Wasiirka Maaliyadda iyo Madaxda dowladda kala bexeen Bankiga dhexe, ayaa waxay dhiira galiyeen Gudoomiyaha

Baarlamaanka Maxaamd Mursal oo xiriir kasoo sameystay dhanka dalka Sucuudiga oo uu dhowr maalmood ku maqnaa.

Mursal wuxuu toos uga hor yimid Farmaajo iyo Kheyrre oo aanan marnaba ka filanayn, sababtuna waxay u laabanaysaa taariikhdii aanu kasoo sheekeynay oo ah in waxa lagu shaqeeyaahi ay hihiin qabyaalad iyo maslaxad shaqsiyadeed.

Nin walba dib uga eegayo shalay iyo kuwii uu saaxiibka la ahaa ee waxa uu fiirinayaa maanta iyo cidda uu wax ka helo karo.

Haddaba Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa saxiixay soo jeedin xil ka qaadis ah oo ay usoo gudbiyeen in ka badan 90 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka.

SAAMEYNTA AY DURBADIIBA ARRINTAN YEELATAY

Sida laga soo xiganayo xildhibaanada qaarkood, xalay oo dhan Madaxtooyada lagama hurdin maadaama ay Farmaajo godkiisa biyaha ugu galeen.

Isaga iyo Ra’iisulwasaaruhuba waxay ku hawlanaayeen la xiriiridda xildhibaanada iyo tallaabo kasta oo ay ku baajin karaan Mooshinka, halka gudoomiyaha Baarlamaanka ay dhaqaale la garab taagan tahay dowladda Sucuudiga.

Safiirka cusub ee Sucuudiga oo Muqdisho jooga ayaa la sheegayaa inuu yahay mishiinka dhaqdhaqaajinaya xasaradda ka dhex oogan madaxda dowladda.

Sucuudiga ayaa aad u diidan habka ay Farmaajo iyo Kheyrre ugu hogaansan yihiin dowladda Qadar oo uu khilaaf kala dhaxeeyo.

Qaar kamid ah xildhibaanada Mooshinka keenay ayaa waxay sheegayaan iney cabsi amni ka qabaan taliye ku xigeenka BS-ta DF, ninka lagu magacaabo Fahad Yaasiin oo ay dowladda Qadar wadato.

Fahad Yaasiin ayaa loo magacaabay sidii uu u handadi lahaa amaba uu u weerari lahaa cid kasta oo ka hor timaada danaha Qadar ee Muqdisho iyo siyaasadda Madaxda DF, waxaana uu dhawaan bartiisa Facebook kusoo qoray maqaal uu ku sheegayo in ganacsatada oo aan la ciqaabin uusan dagan wadankan.

LOOLANKA SUCUUDIGA IYO QADAR EE DOORASHADA BAYDHABO

Khilaafku hadda wuxuu marayaa meeshii ugu xasaasisanayd kaasoo xataa saameyn ku yeeshay doorashadii ka dhici lahayd magaalada Baydhabo.

Dowladda Qadar waxay wadataa musharaxa Lafta Gareen oo waxay siisay taakulo badan oo ay u marsiisay dowladda sida:- ciidamo ammaankiisa suga, musharraxiinta kalana u handada oo dayuurad loogu qaaday.

Sidoo kale waxay ugu deeqday gaadiid nooca aan xabbada karin ah iyo lacago malaayiin doolar ah si uu xildhibaanada wax dooranaya ugu laaluusho. Qarad ayaa sidoo kale DF-ka u yeerisay iney ka hor timaado inuu is sharraxo Mukhtaar Roobow oo isna heshiis hoose lasoo galay dowlado ay Qadar dagaashan yihiin.

Jun 5, 2018, Dowladda Sucuudiga ayaa Mukhtaar Roobow ugu yeertay inuu tago magaalada Riyaad ee caasimadda wadankaasi, waxaana lasoo hor dhigay dhaqaale u saamixi kara inuu tartanka ka qeyb galo laakin shuruudda ku xiran ay tahay inuu fulinayo dan walba oo Sucuudigu leeyahay, waana uu soo saxiixay.

Arrintu waxay ka dhigan tahay in Sucuudiga iyo Qadar ay ku hardamayaan Baydhabo iyo Muqdisho, xubnaha is khilaafsanna ay yihiin kuwa ay ka dhawaajineyso lacagta labada dowladood.

NATIIJADA MAXAY NOQON KARTAA?

Siyaasiyiinta rug caddaaga ah ayaa aaminsan in dowladahan ay qeyb weyn ka yihiin duullaanka lagu soo qaaday dalka Soomaaliya, waayo muddadii uu dalkan burburka ka jiray uma soo gurman Soomaalida balse markii ay Reer Galbeed iyo Itoobiya soo duuleen ayay iyaguna safka lasoo galeen.

Sucuudiga oo isbahaysi la ah Imaaraadka waxay doonayaan in Dekedaha Soomaaliya lagu wareejiyo Itoobiya dhaqaalaha lagu maal galinayana ay iyagu bixiyaan, halka Qadarna ay dooneyso in shirkadaha ajaanibta ah wadanka loo dhiibo.

Illaa iyo hadda lama oga khilaafka iyo halka uu ku dambeyn karayo, waayo waa mid u sabbaynaya sidii sarifka lacagaha qalaad oo kale maadaama xildhibaanada dhaqaale lagu kala jiidanayo.

Culeyska ugu adag wuxuu dul saaran yahay Farmaajo dhowr qodob awgood, waa midka koowaade, waxaa horey u yaallay kiis la xiriira dhaqaale lagala baxay Bankiga dhexe iyo qodobada lagu heysto qaarkood oo ah kuwa ay wax ku fahmi karaan dadkii ku sirnaa taageeriddiisa.

Qodobadaas waxaa kamid ah in uu halis galiyay masiirkii wadanka islamarkaana uu Madaxda Itoobiya iyo Eratariya usoo saxiixay heshiis halis ah oo uu mugdi ku jiro.

Xildhibaanada ayaa qodobadan ka aamusnaa muddo badan laakin markii ay dantooda soo gashay ayay isku dayayaan iney ka faa’iideystaan oo ay dad weynaha isaga dhigaan kuwa u naxaya wadanka.

Ugu dambeyntii dadka xog ogaalka ah qaarkood ayaa waxay sheegayaan in khilaafkan xarkaha goostay uu sababi karo in mid kamid ah Madaxda Dowladda uu meesha ka boxo?

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*