Wararka Gudaha

Dhageyso Xassan Sheekh oo Soo Dhaweeyay Mooshinka Laga Gudbiyay Farmaajo.

Madaxweynahii hore ee DF Xassan Sheekh Maxamuud (Garguurte) ayaa soo dhaweeyay mooshinka ay xildhibaanada ka gudbiyeen Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo ah Madaxweynaha DF.

Xassan Sheekh ayaa sheegay in ay xildhibaanadu yihiin kuwa gudanaya waajibaadkooda, sidaa darteedna uu soo dhaweynayo soo jeedintooda ah in xilka laga qaado Farmaajo.

“Sida waafaqsan dastuurka waa arrin soo dhaweyn mudan mar walba tix galinteedana leh anuguna aan aad iyo aad u weeneynaayo” ayuu yiri Xassan Sheekh.

Xassan Sheekh ayaa dhowr bilood ka hor magaalada Muqdisho ka sameystay xisbi siyaasadeed oo ay u badan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah kuwaasoo haatan fursad muhim ah u arka mooshinka laga gudbiyay Farmaajo.

Farmaajo ayaa waxaa aad ugu batay dadka mucaaradsan waxaana loo aaneynayaa inuu yahay nin aaminsan in xoog wax lagu xalliyo siyaasiyiinta mucaaradkana lagu aamusiyo qori caaraddii.

Dhanka kale xildhibaanada taageersan Farmaajo ayaa aaminsan in mooshinka looga golleeyahay sidii kursiga looga tuuri lahaa Farmaajo loguna wareejin lahaa mid kamid ah xubnaha mucaaradka. Halkaa waxaa ka muuqanaya inaaney jirin dhinac ka shaqeynaya maslaxadda wadanka balse ay ku dagaashan yihiin maslaxadahooda gaarka ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*