Wararka Gudaha

Askar Ka Tirsan DF oo Lagu Dilay Duleedka Afgooye.

Askar ka tirsan ciidamada dowladda federalka ah ayaa maanta lagu dilay weerar ka dhacay bar koontarool oo ku taalla halka loo yaqaano Baar-Ismaaciil oo ku dhow degmada Afgooye.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamadan oo ka tirsanaa Boliska dilkooda loo adeegsaday qarax xilli ay fadhiyeen bar ay ku nastaan. “waxaan maqalnay qarax kadibna markaan gadaal u milicsaday waxaan arkay boor iyo qiiq ka kacay halkii ay fadhiciidamada deetana horteena ayaan usii baxnay innagoo xawli ku soconna” sidaasi waxaa yiri’ mid kamid ah darawalada gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye oo mararyay laamiga xilligii ay wax dhacayeen.

Meydadka sadaxda askari ee Boliska ah ayaa goobta laga qaaday , waxaana intaasi kadib la arkayay ciidamadii qaraxa ka badbaaday oo midba meel taagan yahay iyagoo ka naxsan wixii dhacay, waxay haka galiyeen dhaqdhaqaaqii gaadiidka iyo dad weynaha.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*