Uncategorized

Saldhigyada Boliska Ee Degmada Yaaqshiid Iyo Garasbaalley oo La Weeraray.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa weeraro lagu qaaday saldhigyo maleeshiyaatka DFS ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

Mid ka mid ah weeraradan waxaa lagu qaaday saldhigga degmada Yaaqshiid halkaas oo laga maqlay daryanka hubka culus ee ay ridayeen dagaalyahanada weerarka qaaday sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogeyaal ah.
Sidaas oo kale waxaa caawa fiidkii weerar abaabulan lagu qaaday saldhigga degmada Garasbaaleey, halkaas oo dagaal in muddo ah qaatay uu ku dhexmaray ciidamada police-ka iyo dagaalyahanada weerarka qaaday.
Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa war ay baahisay ku sheegtay in caawa dagaalayahanadooda ay weeraro xoogan ku qaadeen saldhigyada police-ka ee degmooyinka Yaaqshiid iyo Garasbaaley.
Dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka howlgala degmooyinka gobolka Banaadir ayaa badanaa weeraro toos ah iyo kuwa qorsheysan ku beegsada ciidamada dowladda iyo kuwa Shisheeye ee duullaanka ku jooga wadanka.
Xigasho:Somalimemo.net

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*