Wararka Gudaha

Ciidamada Al-Shabaab Ee Buuraha Golis oo Gacanta Ku Dhigay Dayuurad Drone Ah oo Soo Dhacday.

Dayuurad nooca wax basaasa ah oo ay leedahay dowladda Mareykanka ayaa maanta kusoo dhacday Buuraha Golis ee gobolka Bari taasoo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Al-Shabaab ee halkaasi ka hawl gala.

Illaa iyo hadda lama helin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan diyaaradda, waxaana ay tani muujineysaa sida hawada Soomaaliya ay u dayacan tahay iyadoo aysan jirin dowlad ku shaqo leh la socodka dayuuradaha faraha badan ee iska dul heehaabaya gobolada wadanka.

Dayuuradaha noocan ah ee Mareykanka ayaa horey caan ugu ahaa iney kusoo dhacaan koofurta Soomaaliya, haddase waxay xaajadu mareysaa gobolada wuqooyi Bari.

Dadka reer miyiga ah ee degaanadaas ayaa sheegaya iney xilliyada qaar arkaan dayuurado nooca qumaatiga u kaca ah oo beegsanaya Ugaarta noocyadeeda kala duwan.

Dowladda Mareykanka ayaa kaalinta kowaad kaga jirta duullaanka lagu soo qaaday wadanka Soomaaliya oo la doonayo in la boobo kheyraadka dabiiciga ah ee uu Allaah ku galladaystay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*