Uncategorized, Wararka Gudaha

Al-Shabaab oo Duqeyn La Beegsaday Xerada Xalane. (Sawirro)

Guutada Madaafiicda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho ayaa maanta duqeyn la beegsatay xerada Xalane oo talis u ah ciidamada shisheeye ee wadanka kusoo duulay.

Duqeynta oo u muuqatay mid heysatay bar tilmaameed iyo hadaf rasmi ah ayaa waxa ay burburisay qaar kamid ah dhismayaashii ay ku jireen hey’adaha Qaramada Midoobay iyo shisheeyaha kale.

Sawirro laga soo qaaday ayaa waxaa laga dheehanayaa burburka xafiisyo, waxaana la rumeysan yahay iney jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh. Idaacadda ku hadasha afka Xarakada Al-Shabaab ee Andalus ayaa baahisay xogta dhacdadan.

Sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo ay soo xigatay idaacadda Andalus ayaa waxa uu sheegay in ugu yaraan 7 madfac ay ku dheceen gudaha xerada Xalane. Dadka deggan nawaaxiga Xalane iyo Madaarka ayaa inoo sheegay inuu maqlayeen hugunka madaafiicda maanta lagu weeraray xerada Xalane.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*