Uncategorized, Wararka Gudaha

Dhageyso Xassan Sheekh oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Farmaajo.

Madaxweynaha DF Xassan Sheekh Maxamuud Culusow ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Farmaajo iyo golayaasha dowladdiisa isagoo ku eedeeyay iney dib u dhigeen wadanka islamarkaana ay soo kordhiyeen ku amar taagleyn iyo caburin.

Wuxuu sheegay in dalku uu maanta marayo xaalad adag marba hadduu xaalku gaaray in golayaasha Baarlamaanka ay xiriirkii isku jareen oo aaney wada shaqeeneyn, si lamid ahna aaney wada shaqeyni ka dhaxayn Dowladda iyo maamul goboleedyada.

Madaxweynaha DF Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa Itoobiya u saxiixay afar Dekedood oo Soomaaliya leedahay wuxuuna uga badashay oo kaliya in ay u caburiyaan ciddii isaga ka hor timaada, waana midda keentay in Mukhtaar Roobow Baydhabo laga soo xiro kaasoo illaa iyo hadda maxbuus ah.

Xassan Sheekh ayaa hadda u muuqda mid lafihiisa u baqanaya kana walwalsan sidii uu ku shaqeyn lahaa xisbi mucaarad ah oo uu ka furtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ma jiro wax jawaab ah oo kasoo baxay DF kuna aadan hadalka Xassan Sheekh.

Halkan Ka Degso Hadalka Xassan Sheekh

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*