Wararka Gudaha

Hawl Gal Gaar Ah oo Lagu Dilay Askar oo Saaka Ka Dhacay Ekis Koontarool Afgooye.

Magaalada Muqdisho waxaa si joogto ah uga dhacaya hawl gallada ka dhanka ah Dowladda Federalka iyo ciidamada shisheeye iyadoo hawl galkii ugu dambeeyay uu saaka ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn Ekis Koontarool Afgooye.

Rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ku guuleystay iney dilaan labo askari oo isbaareysanayay dad weynaha. Askartan oo ku hubeysnaa laba qori ayaa si bareer ah loo toogtay.

Dilka hawl galka waxaa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalin walba ka dhacay weerar ama weeraro ka dhan ah dowladda, waxaana u bada oo usbuucyadii lasoo dhaafay la beegsanayay saraakiisha, ciidamada iyo gudoomiye waaxeedyada.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*