Wararka Gudaha

Muqdisho Waxaa Ka Hawl Gala Baadari Kenyaan Ah oo Faafiya Diinta Kiristanka (Dhageyso)

Dalka Soomaaliya gaar ahaan meelaha ay ka taliyaan shisheeyaha iyo maamulada ku daaban waxaa ka hawl gala Baadariyaan faafiya diinta Kiristanka, waxaana qaarkood ay ka hawl galaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Mid kamid ah Baadariyaasha Soomaaliya loo soo xil saaray waxaa Kenyaati. Waxa uu Muqdisho ku nool yahay muddo 5 sano ah isagoo gabbaad ka heysta DF, waxaana uu faafiyaa diinta Kiristanka sida ay shaacisay mareegta wordandway.org.

Baadarigan ayaa si uu dadka u qaldo wuxuu wataa ama dadka u sheegaa inuu yahay qandaraasle dhanka dhismaha ah oo sharci ka heysta Dowladda Federalka ah oo ay hogaamiyaan rag kusoo wax bartay dalalka Yurub iyo Ameerika.

Qaar kamid ah dadka Kiristanka ah iyo Baadariyaasha dhuumashada ku jooga Muqdisho ayaa sheegay iney amnigooda uga baqanayaan Xarakada Al-Shabaab.

Haddaba waxaan halkan idiinkugu soo gudbineynaa warbixin maqal ah oo ay Idaacadda Al-furqaan ka diyaarisay iyo Linkiga wargeyska oo aad ka heli kartaa macluumaad kale oo dheeraad ah. https://wordandway.org/2019/01/08/christian-workers-in-somalia-worship-in-secret-fear-al-shabab/

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*