Wararka Gudaha

Milatariga Al-Shabaab oo Dagaal Culus Ku Qaaday Askarta DF Ee Heysata Marko.

Ciidamada Milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay fiidkii dagaal culus ku qaaday fariisimayaasha ay magaalada Marko ku leeyihiin askarta DF, askartan oo uu dowrkoodu yahay iney difaac koowaad u noqdaan ciidamada shisheeye ee Amisom.

Dagaalka oo socday muddo saacad ka badan ayaa waxaa si gaar ah loogu beegsanayay dhufeysyada ciidamada dowladda, waxaana ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay xaqiijinayaa in uu jiro khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo soo gaaray askarta DF.

Dadka ku haray magaalada ayaa sheegaya in ay maqlayeen hugunka madaafiicda iyo daryanka rasaasta la is weydaarsanayay. Ilo wareedyo dhanka Milatariga ah ayaa waxay sheegayaan in dagaalkii xalay DF looga dilay rag saraakiil ah kuwaasoo saacadaha soo socda la filayo in magacyadooda la helo.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay DF kuna aadan dagaalkan. Horey ayay ciidamadan isugu dayeen iney dhaqdhaqaaqyo ka sameeyaan degaano u dhow marko, balse waxaa laga qabsaday gaadiid gaashaaman oo uu BEEBE kamid yahay khasaare nafeedna waa ay la kulmeen.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*