Wararka Gudaha

Mareykanka Iyo Askarta Soomaalida Ah Ee Uu Ku Ugaarto oo Xalay Dhibaato Ka Geystay Tuulo Hoos Tagta Jannaale.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ah ee uu ku ugaarto ee loo yaqaano Baankaraaf ayaa xalay weeraray tuulo hoos tagta degmada Jannaale ee gobolka Sh/hoose halkaasoo ay ka geysteen qalqal iyo dhibaatooyin kale.

Askartan oo watay dayuurad ayaa kusoo degay meel tuulada ka fog kadibna lug ayay kusoo galeen iyagoo aad u baqaya, waxaana ay gubeen qaar kamid ah guryaha dadka degaanka. Tuuladan ayaa waxaa lagu magacaabaa Hantiwadaag waxaana ay 12 km u jirtaa Jannaale waxaana deggan beeraley.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in ay dareemeen qalqal iyo argagax “Walaalow argagixisada la sheegayo waa Mareykanka, xalay waxay noo qeysteen qalqal aanan wali horey u arag, caruurti wey sastay waa yeelkiina waxaa kusoo kacay xanuuno illaa sadax gurina wey naga gubeen Alle ha naga qabto kuwaan” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadka tuulada.

Ciidamadan ayaa dhowr jeer ku fashilmay weeraro ay ku qaadeen Awdheegle iyo Daarasalaam, waana midda keentay iney aadaan dad aan hubeysneyn oo reer miyi iska ah. Waxa ay u muuqdaan kuwa ujeedadoodu tahay iney qalqal galiyaan bulshada nabadda iyo horumarka ku nool.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*