Wararka Gudaha

Al-Shahaab oo Dagaal La’aan Kula Wareegay Degaan Hoos Taga Gaarisa.

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday degaan ka tirsan dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya gumeysiga ku heysato ee NFD, degaankaas oo hoos taga magaalada Gaarisa.

Degaanka oo lagu magacaabo Weel-mareer ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, laakin markey arkeen Milatariga Al-Shabaab ayey goobta isaga carareen. Intaasi kadib ciidamada Al-Shabaab ayaa hawl gallo ka sameeyay saldhiggii ay ciidamadu degganaayeen ugu dambeynna waxay gubeen xarumo dowladeed oo halkaa ku yiilay oo ay kamid tahay Safaricom.

Bulshada degaanka oo ah dad Soomaaliyeed ayaa dareen farxadeed ka muujiyay aragtida Mujaahidiinta maadaama ay yihiin dad had iyo goor ku hoos nool gumeysiga ciidamada Kenya. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Kenya kuna aadan dhacdadan iyadoo dhanka kale Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda.

Kenya oo horey dhul Soomaaliyeed oo ballaaran u heysatay ayaa gobolada Gedo iyo Jubooyinka kusoo duushay sannadkii 2011, waxaana tan iyo xilligaas ku socda weeraro aan kala go’ lahayn oo dhaxal siiyay khasaarooyin nafeed iyo mid dhaqaale.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*