Wararka Gudaha

Sawirro+Dhageysi: Mareykanka oo Xalay Albaabada Ku Qarxiyay Qoysas Beeraley Ah oo Ku Dhaqan Tuulo Hoos Tagta Jannaale.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaali ah oo uu ku ugaarto ayaa xalay weerar Argagixiso ah ku qaaday tuulo hoos tagta degmada Jannaale ee gobolka Shabeelaha hoose oo hadda lagu magacaabo Towfiiq.

Tuuladan oo ay ku dhaqan yihiin dad beeraley ah ayaa waxay si gaadmo ah ku galeen abaaro todobadii saac ee habeennimo, waxaana ay guryahooda ku jabiyeen qoysas dhowr ah iyagoo uga nixiyay qaraxyo ay ku xireen albaabadooda iyo rasaas ay ku fureen guryaha.

Guri walba albaabkiisa waxaa ka muuqanaya qaraxa lagu xiray halka qeybaha kale ee guryaha laga dheehanayo saameynta ay firiradu ku yeeshee. Alle mahadi qof kuma dhiman qaraxyadan balse waxaa sasay caruurtii, waayeelkii iyo hooyooyinkii.

Qaar kamid ah ragga ku dhaqan tuulada ayay meel bannaan ah isugu keeneen qaraxyadan kadib iyagoo indhaha iyo gacmaha ka xirxiran. Waxay weydiiyeen su’aalo la xiriira qabiiladooda kadibna iyagoo sidii u xir xiran ayay isaga tageen inkastoo mar dambe la ogaaday in wiil yar oo dhallinyaro ah ay horey usii kaxaysteen kaasoo degaanka caan ka ahaa.

Ciidamadan Mareykanka iyo kuwa uu ku ugaarto ee Bankaraf ayaa dhawaan fashil kala kulmay weeraro ay ku qaadeen Awdheegle iyo Mubaarak kadib markii ay iska caabin adag kala kulmeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*