Wararka Gudaha

Al-Shabaab oo Weeraro Khasaare Dhaliyay Ka Geystay Boosaaso Iyo Duleedkeeda.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka hawl gala gobolka Bari ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo marayay duleedka magaalada Boosaaso galabnimadii maanta oo Axad ahayd, iyagoo sidoo kale weeraray saldhig ku yaalla gudaha Boosaaso.

Weerarka ka dhacay duleedka magaalada ayaa waxaa lagu qaaday ciidamo lugeynayay kuwaasoo marayay inta u dhaxaysa Balli Khadar iyo Galgala, oo labaduba dhaca duleedka magaalada Boosaaso, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in ugu yaraan hal askari uu ku dhintay weerarka iyadoo ay ku dhaawacmeen sadax kale. Degaanadan ayaa kamid ah meelaha inta badan lagu beegsado ciidamada maamulka Puntland.

Sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ku yaalla magaalada Boosaaso gudaheeda oo lagu magacaabo Minjir. Weerarkan oo dhacay xilligii maqribkii kadib loona adeegsaday qarax ayaan ilaa iyo hadda laga helin wax faahfaahin ah.

Dorraad ayay ahayd markii saraakiil ka tirsan maamulka Puntaland ay kulan ku yeesheen magaalada Boosaaso iyagoo ka cabanaya weerarada joogtada ah ee ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*