Wararka Gudaha

Hawl Gal Ay Al-Qaacidda Ka Fulisay Maali oo Loogu Magac Daray Bayaankii Al-Shabaab Ee Nairobi.

Wararka ka imaanaya wadanka Maali ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan Qaramada Midoobay lagu dilay wadankaas, kadib markii ay weerar kala kulmeen ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Kedaal ee wadanka Maali, waxaana lagu qaaday ciidamo katirsan Qaramada Midoobay oo ku sugnaa deegaanka Aglahook ee magaalada Kedaal.

Ugu yaraan weerarkaas waxaa lagu dilay kudhawaad 10 askari oo katirsan Qaramada Midoobay, kana socday dalka Chaad.

Bayaan kasoo baxay Jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin ayaa lagu sheegtay mas’uuliyadda howlgalkan, waxaana loogu magacdaray “Qudus Lama Yahuudeynayo”, iyadoona bayaanka lagu sheegay in howlgalkan la fuliyay iyadoo la ajiibayo towjiihaadka hogaanka Alqaacida ee ah in la beegsado danaha Yahuudda iyo Reer-galbeedka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*