Wararka Gudaha

Weerar hubeysan oo lagu qaaday Shirkad Shiinays ah oo ka howlgasha Gudaha Kenya.

Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in weerar hor leh lagu qaaday xarun ay shirkad shiineys ah ku laheyd dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga kujira.

Xoogag hubeysan oo loo malaynayo in ay katirsanyihiin Xarakada Al Shabaab ayaa weeraray xarunta shirkad dhismaha ka shaqeysa oo ay leedahay dowladda China.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in weerar xooggan ay lakulantay xaruntaha shirkadda shiineyska ah  ku leedahay deegaanka Shimbirleey oo hoos yimaad magaalada Gaarisa.

Dagaal culus ayaa dhaxmaray ciidamada Booliska ee ilaalada ka hayay xarunta shirkadda Shiineyska ah iyo xoogagii weerarka qaaday, warar hordhac ah ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof uu ku dhaawacmay weerarka.

Boqolaal shirkado ajnabi ah ayaa boob ku haya kheyraadka dhulka Soomaalida NFD kuwaasi oo heshiisyo lasoo galay dowladda Kenya ee gumeysiga ku heysata dhulalka muslimiinta.

Weerarkan ayaa imaanaya maalmo kadib markii uu dhacay weerarki lagu qaaday xarumaha isku raranka 14 Riverside ee bartamaha magaalada Nairobi waxaana weerarkaas ku dhintay tobanaan qof Kenyaan iyo reergalbeed ah.

Xigasho: Somalimemo.net

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*