Wararka Gudaha

Degdeg: Dagaal U Dhaxeeya Al-Shabaab Iyo Amisom oo Ka Dhacay Qoryooley.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in duleedka magaalada ay goor dhow ku dagaalameen ciidamada milatariga Al-Shabaab iyo kuwa Amisom.

Dagaalka ayaa waxa uu yimid kadib markii askarta ay shabaab ay weerar ku qaadeen Amisom, waxaana in muddo ah si toos ah la isku weydaarsanayay rasaasta.

Inastoo haatan ay xaaladdu deggen tahay ayaa haddana waxaan jirin faahfaahin dheeri ah oo aan ka helnay khasaaraha ka dhashay dagaalkan.

Al-Shabaab ayaa aad usii laa jibaaray weerarada ka dhanka ah ciidamada Amisom, waxaana usbuucyadii lasoo dhaafay gobolka Shabeelaha hoose oo kaliya Amisom looga gubay ugu yaraan sadax gaari.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*