Wararka Gudaha

Askari Ka Tirsan Ciidanka Jubbaland oo Dilay Askariyad Ay Qaad Wada Cunayeen.

Askari ka tirsan ciidamada Jubbaland ayaa degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose ku dilay haweeney askariyad ahayd oo ay inta badan wada shaqeyn jireen.

Markii uu Axmad Madoobe tagay Dhoobley waxay ciidamadu heleen qaad ama qayilaad, waxaana lasoo sheegayaa in ay isku dheceen askariga iyo askariyadda, kadibna uu gacan ka hadal dhacay.

Haweeneydii askariyadda ahayd oo la oran jiray Fawsiyo Xassan Khaliif ayaa u dhimatay rasaas uu ku furay askariga isla maanta ayaana meydkeeda lagu aasay Dhoobley.

Goob joogayaal ayaa ku waramaya in arrintan ay saameyn ku yeelatay ciidamada kale oo laba saf noqday inkastoo uusan dagaal dhicin.

Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa ka dhex jiray fasaad baahsan maadaama ay isugu jiraan rag iyo dumar, waana dhaqan ay kasoo miin guuriyeen Xabashida Itoobiya.

Dhacdadan ayaa kusoo aaday xilli uu Axmad Madoobe tagay Dhoobley, mana ahan markii ugu horreysay oo uu fal noocan ah ka dhex dhoco askartiisa.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*