Wararka Gudaha

Xukun Xadu-Sino Ah oo Ka Dhacay Shabeelaha Dhexe.

Maxkamdda Islaamiga ah ee Wilaayada Shabeelaha Dhexe ayaa xukun Xadu-Sino ah ku riday ka dibna ku fulisay nin fal kufsi ah u geystay qof haweeney ah.

Xukunka oo ka dhacay fagaare weyn oo ku yaalla degmada Gambloole ayaa waxaa lagu fuliyay Maxamuud Ibraahim Bishaar kadib markii ay soo dacweysatay Deeqo Cusmaan Cali.

Sida uu Qaadigu sheegay, Deeqo ayaa Maxamuud ku eedeysay inuu kufsaday ayna dooneyso in dhibka loo geystay loo bandhigo shareecada islaamka.

Eedeysanaha ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay inuu falkan, sidaa darteed ayuuna qaadigu ku xukumay xukun Xadu-simo ah, waxaana lagu dhuftay boqol karbaash maadaama aanu guur soo marin.

Waxaa xusid mudan in xukunkan hortii ay Maxkamadda Islaamiga ah baartay in uu Maxamuud, waalan yahay iyo in kale, waxaana uu caddeeyay inuu caafimaad ahaan iyo maskax ahaanba wanaagsan yahay.

Dhulka Wilaayaadka islaamiga ah ee ay ka taliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxaa lagu maamulaa shareecada islaamka, waana midda keentay in uu ka duwanaado meelaha ay heystaan shisheeyaha iyo maamulada ay dhiseen.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*