Wararka Gudaha

Sarkaal Ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha DF oo Muqdisho Lagu Dilay.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa barqanimadii maanta lagu dilay sarkaal ka tirsanaa wasaaradda Arimaha Gudaha ee DFS.

Sida wararku sheegayaan, sarkaalkan ayaa waxaa lagu dilay degmada Hodan gaar ahaan agagaarka Isgoyska Al-barako, waxaana dilkiisa ka dambeeyay ciidamo hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Xubno ka tirsan Shaqaalaha Wasaaradda ayaa durbadiiba barahooda gaarka ah kusoo qoray tacsi ay u dirayaan sarkaalkan oo ku caan ahaa magaca ah Cabdi Madoobe.

Faahfaahin lagama bixin qeybta ay shaqadiisu ahayd iyo sidoo kale habka uu dilkiisu u dhacay. Balse waxaa meydkiisa loo qaaday dhanka CID-da si loo eego inta xabbadood ee ku dhacday iyo meelaha ay kaga dheceen kadibna loo aaso.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka sarkaalkan, waxaana ay dhacdadan kusoo aadeysaa xilli shalay degmada Wardhiigley lagu dilay 6 askari oo ka tirsanaa ciidamada Dowladda kadib markii qarax lala beegsaday.

Mar walba waxay DF sheegtaa iney sameysatay ciidamo Bolis ah oo wax ka qabta ammaanka waxaana muuqanaya in maalinba maalinta ka dambeysa uu fashilkoodu badanayo.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*