Wararka Gudaha

Maxaa Ka Jira In Abey Uu Xilka Ka Qaadayo Cag-Jar? (Dhageyso)

Magaalada Jigjiga oo kamid ah dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya xoogga ku heysato ayaa waxaa ka taagan xasarad siyaasadeed iyadoo xog soo baxaysa ay ku waramayso in Abey Axmad uu doonayo inuu xilka ka qaado wakiilkiisa dhulkaas, Mustafa Cagjar.

Mustaf oo lagu bedelay Cabdi Iley ayaa lagu eedeynayaa inuu sidii loogu tala galay ula shaqeyn kari waayay saraakiisha dowladda Itoobiya, dhanka kalana laga dareemay inuu maamulka isku kali yeelayo halkii ay ahayd in tallaabo kasta oo uu qaadayo uu ka sugo Adis-ababa.

Siyaasiyiinta Jigjiga ayaa sheegay in culeyska uu Abey soo saaray maamulka uu ka marqaati kacayo in dhulka Soomaali galbeed uu ku jiro gumeysi adduunka ugu daran.

Waxay siyaasiyiintu sheegeen Killinada gumeysiga u dhisan ay intooda badan yihiin kuwa aayahooda u madax bannaan laakin Soomaalida aanan loo ogoleyn, waxaana ay soo bandhigeen tusaalooyin badan oo bannaanka soo dhigaya hagar daamooyinka ka dhanka ah Soomaalida.

HOOS KA DHAGEYSO MID KAMID AH SIYAASIYIINTA

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*