Wararka Gudaha

Mid Kamid Ah Saraakiishii Ciidamada Itoobiya Kusoo Hogaamiyay Dalka oo Garowe Ku Geeriyooday.

Taliyihii ugu horreeyay ee ciidamada Puntland gaar ahaan kuwa Daraawiishta loogu yeero ayaa maanta oo Arboco ahayd ku geeriyooday magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Taliyaha oo la oran jiray Cabdullaahi Cali Mire (Careys) ayaa u geeriyooday xanuuno soo wajahay. Waxaa si aad ah loogu xasuustaa inuu kamid ahaa saraakiishii ugu cad-cadaa ee ciidamada Xabshida kusoo hogaamiyay wadanka 2006-dii.

Careys waliba waxa uu si gaar ahaaneed ugu mid ahaa raggii Xabashida geeyay madaxtooyada Villa Soomaaliya, wuxuuna geeriyooday isagoo ay taariikhdiisu madow-dahay.

Hogaamiyaha Puntland ayaa gudi u saaray aaska sarkaalkan, waxaana lagu wadaa in maalinta barito ah la dhigo Iilka iyadoo ay ka qeyb gali doonaan saraakiil Itoobiyaan ah.

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*