Wararka Gudaha

Weeraro Khasaare Dhaliyay oo Ka Kala Dhacay Bay Iyo Sh/Hoose.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay laba weerar ka geystay gobolada Bay iyo Sh/hoose iyadoo faahfaahin laga helay khasaaraha ka dhashay.

Weerarka koowaad waxa uu ka dhacay magaalada Baydhabo kaasoo lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Koofur Galbeed.

Ilo wareedyo ku sugan magaalada ayaa Shabakadda Amiirnuur.com u xaqiijiyay in labo askari oo ka tirsan askarta Koofur Galbeed ay ku dhinteen weerarka laba kalana ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale ciidamada Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku ekeeyay fariisin ay askarta DFS ku lahaayeen degaan u dhaxeeya Dhanaane iyo Jasiir oo dhaxa wadada xeebta ah ee xiriirisa Xamar iyo Marko.

Degaanka oo lagu magacaabo Indho-Giir ayaa waxa uu dagaalku ka dhacay fiidkii, waxaana ay natiijadu noqotay in ciidamada dowladda isaga cararaan saldhigoodii.

Wararku waxay sheegayaan inuu jiro khasaare inkastoo aanan xog dheeraad ah ka helin, laakin ciidamada Al-Shabaab ayaa muddo baaritaan ka waday xerada.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*