Wararka Gudaha

Sadax Gaari oo Kenya Looga Gubay Lamu Kadib Caleema Saarkii Uhuru.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta weerar dhabba gal ah u dhigay gaadiid ay wateen ciidamada Boliska ee dowladda Kenya, waxaana weerarkan ka dhashay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Weerarka oo ka dhacay wadada isku xirta deegaannada Wittu iyo Gamba oo ka tirsan Lamu ayaa waxaa askarta Boliska ee Kenya looga gubay sadax gaari iyadoo sidoo kale laga dilay tiro askar ah.

Dhacdadan ayaa waxay kusoo aaday iyadoo maanta magaalada caasimadda ah ee Nayroobi lagu caleema saaray Uhuru Kenyatta, caleema saarkaas oo sidoo kale rabshado ay ka dhasheen.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*