Wararka Gudaha

Degdeg: Labo Ka Tirsan Sirdoonka DF oo Lagu Dilay Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa barqanimadii maanta ka dhacay weerar qorsheysan oo ay geysteen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Weerarka oo lagu beegsaday xubno ka tirsan sirdoonka DF ee loo yaqaano dhar-cadka ayaa waxa uu ka dhacay degmada Waabari, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday xubnihii hadafku ahaa.

Goob joogayaal ayaa inoo xaqiijiyay in labo kamid ah sirdoonka dowladda la khaarajiyay halka mid kale uu dhaawac soo gaaray.

Labada xubnood ee la dilay ayaa waxaa laga furtay laba Bastooladood oo ay wateen, wax yar kadibna waxaa goobta soo gaaray saaxiibadood BS-ta ama Nabad sugidda oo halkii ka qaatay.

Meydadkooda ayaa waxaa la geeyay CID- si loo baaro inta xabadood ee ku dhacday ka dib-na loo aaso. In dharaar cad Muqdisho lagu dilo ciidanka qarsoodiga ee dhar cadka loo yaqaano ayaa waxay muujineysaa heerka uu gaarsiisan yahay wacgiga garasho ee ay Mujaahidiinta Al-Shabaab u leeyihiin dhinacyada ay la dagaalamayaan.

Shalay xilligan oo kale ayay ahayd markii magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan lagu khaarajiyay Cabdi Madoobe oo kamid ahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee DF kaasoo ay dilkiisa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*