Wararka Gudaha

Dhageyso Waaliga Bay Iyo Bakool oo Ka Warbixiyay Duqeyn Diyaaradeed Iyo Arrimo Kale.

Sheekh Cabdullaahi Macallin Geedow oo ah Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Bay iyo Bakool oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-Andalus ee ku hadasha afka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ka war bixiyay duqeyn ay maanta dayuuradaha Xabashidu ka geysteen degaan ka tirsan Wilayaada.

Duqeynta oo ay fuliyeed diyaarado Helo Kobtar iyo kuwa miigag ah ayaa waxay kasoo duuleen garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo kadib-na waxay weerareen degaanka Buur-Eylo oo hoos taga magaalada Baydhabo, waxaana uu waaligu sheegay ineysan wax khasaare ah kasoo gaarin dadka Muslimiinta ah.

Wuxuu sheegay in halka ay duqeeyeen aaney saldhig u ahayn Mujaahidiinta balse ay ahayd goob dad weyne saasoo ay tahayna Alle uu ka badbaadiyay bulshada, isagoo arrintan u sababeeyay xanuunkii Xabashida kasoo gaaray weerarkii cuslaa ee Jimcihii ka dhacay inta u dhaxaysa Baydhao iyo Buur-hakaba. Sidoo kale Waaliga ayaa ka waramay xaaladda guud ee gobolka iyo arrimo kale oo muhim ah.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA WAALIGA BAY IYO BAKOOL

Halkan Ka Deygso Wareysiga Sh Cabdullaahi Macallin Geedow

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*