Wararka Gudaha

19 Askari oo Jubbaland Looga Dilay Duleedka Afmadow.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in maanta weerar khasaare dhaliyay ay Xarakada Al-Shabaab ka geysatay meel u dhow degaanka Afmadow ee gobolkaasi.

Gaari Cabdi Bile ah oo kasoo baxay Dhoobley islamarkaana kusoo jiiday Afmadow ayaa waxaa qarax lagula beegsaday meel aan sidaa uga fogeyn degaanka uu ku wajahnaa.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in uu gabi ahaanba burburay gaariga Cabdi Bilaha ah oo ay saarnaayeen 20 askari, waxaana dhintay 19 kamid ah iyadoo midka 20-aad uu soo gaaray dhaawac halis ah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan waxaana uu kusoo aadayaa iyadoo dhowr maalmood uun laga joogo weerarkii Baarka oo J/land looga dilay askar badan islamarnaana saanad looga qabsaday.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*