Wararka Gudaha

Daawo Video: Sheekha Xassaan Oo Magaalada Nairobi kusoo gaba gabeeyay Kitaabka Minhaajka.

Masjidka Bilaal ee magaalada Nairobi waxaa dhacday munaasabad ballaaran oo lagusoo gaba gabaynayay Kitaabka Minhaajka oo muddo sanada ah uu akhrinayay Sheekh Xassaan Xuseen Aadam Xafidahullaah.

Munaasabadda oo ay kasoo qeyb galeen Boqolaal qof oo kamida ah Ardeydii Kitaabka uu sheekhu u akhrin jiray iyo marti sharaf kale oo kamid ah shacabka Soomaalida magaalada Nairobi waxaa muxaadaro dheer ka jeediyay Sheekh Xassaan Xuseen.

Sheekhu wuxuu sheegay in Kitaabka Minhaajka uu soo billaabay sanaddii 2002 balse kala go’ uu ku yimid islamarkaana uu dib u billaabay sanaddii 2016 illaa uu ka dhammeeyay billaawga sanadda 2019.

 Ardaydii Kitaabka akhrisatay ayuu kula dardaarmay in cilmiga ay barteen ay muslimiinta sii gaarsiiyaan ayna ka fogaadaan waxyaabaha waxyaabaha cilmigooda ka dhigaya in uu anfac noqdo.

Hoos Ka Daawo Kalimaddii Sheekh Xasaan ka Jeediyay Munaasabadda.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*