Wararka Gudaha

Ciidamada Jabuuti oo Jalalaqsi Ku Laabtay Iyagoo Meydad Wada Xabbaduna Ka Daba Dhacayso.

Ciidamada Jabuuti ee (Hiil Gumeysi) ayaa lagu soo waramayaa in ay khasaare kala kulmeen weeraro tan iyo shalay uga imanayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Jabuutiyaanka ayaa shalay socdaal u muuqday mid dhuumasho ay ku aaday meel u dhow Jowhar oo ay sahay iyo gaadiid kasoo qaadanayeen.

Socodkoodii hore iyo labaabashadoodiiba waxay la kulmayeen weeraro isugu jira qaraxyo iyo dagaalo toos ah. Gaadiidka ay soo qaadanayeen ayaa waxaa laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee Jowhar kadib markii Muqdisho dayuurad laga soo saaray.

Laba biloow ka hor ayay mar damceen iney Jowhar iyo Jalalaqsi dhexdooda kala wareegaan ciidamada Burundi, waana tii dagaal culus uu qabsaday laguna khasbay iney dib u laabtaan.

Socdaalkoodii shalay oo u muuqday mid qar iska tuurnimo ah ayaa waxaa looga dilay tobaneeyo askar ah, waxaana ay barqanimadii maanta degmada Jalalaqsi la galeen 6 meyd ah iyo laba gaari oo laga gubay oo ay jiidayeen.

Askartan ayaa waxaa ka daba dhacaysay xabbada mudadii ay socdaalka ku jireen waxaana la rumeysan yahay in khasaarahoodu intan ka badan yahay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*