Wararka Gudaha

Al-Shabaab oo Weeraray Ciidamada Amisom Ee Heysta Buulomareer Iyo Kuwa DF.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay fiidkii weerar ku qaaday laba barood oo ay kala deggan yihiin ciidamada shisheeye ee heysta degaanka Buulomareer ee Gobolka Sh/hoose iyo kuwa DF.

Wararka naga soo gaaraya halkaa ayaa waxay sheegayaan in laba baroodba isku waqti la weeraray iyadoo si aad ah loo maqlayay hubka culus iyo midka fudud ee la isku adeegsanayay. Ciidamada shisheeye ayaa sida caadadaba u ahayd aanan kasoo bixin difaacyadooda iyagooo halkooda rasaas kasoo furayay.

Sidoo kale ciidamada Dowladda qaarkood ayaa ka baxay difaacyadoodii una galay shisheeyaha kadib markii ay xabbadu ku kululaatay sida aan kasoo xiganaya ilo wareedyo Milatari oo codsaday inaan magacooda la xigan.

Isla todobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii sidan oo kale ay ciidamada Xarakada Al-Shabaab u weerareen labadan barood ee ku yaalla degaanka Buulomareed ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*