Dagaalyahanno hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo ciidamada Amisom ayaa duhurnimadii maanta isku fara saaray inta u dhacaysa magaalada Marko iyo degaanka Nambar 60 ee gobolka Shabeelaha hoose.
Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, dirirta ayaa timid kadib markii askarta Al-Shabaab ay dhabbaha u galeen kolonyo gaadiid ah oo ay shisheeyuhu wateen, waxaana wararka horudhaca ah ay sheegayaan in laba gaari laga gubay Amisom.
Labada gaari ayaa kala ah Taw iyo Xamuul, waxaana khasaarahaas maaliyadeen u wehliya khasaare nafeed oo soo gaaray askartooda walow aanan helin tirada rasmiga ah.
Ciidamada shisheeye ayaa mar walboo ay damcaan iney sahayda isgaarsiiyaan la kulma khasaare taasoo ay dhowr jeer ka cawdeen madaxdooda.