Wararka Gudaha

Al-Shabaab oo Ka Hadlay Duqeyntii Ballidoogle Iyo Isbadalka Dagaal Ee Ay Ku Dhawaaqeen. (Dhageyso)

Taliska ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa war kasoo saaray weerarkii duqeynta ahaa ee ay Jimcihii lasoo dhaafay ku qaadeen ciidamada Mareykanka ee heysta Garoonka Ballidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab Afhaheeynka ciidamada Al-Shabaab ayaa sheegay in duqeynta ay ku dileen taliyihii ciidamada caddaanka ee Ballidoogle iyo labo kale iyadoo sidoo kale shan kale oo Afrikaanta Bankaraf ah ay ku quur bexeen.

Wuxuu sheegay in ciidamadan ay halkan u joogaan dhibaateynta bulshada muslimka ah ee ku dhaqan Shabeelaha hoose iyo Bay waxaana uu tusaale usoo qaatay dhowr dhacdo oo xanuun badan oo ay geysteen, waxaana kamid ahaa nin Sheekh ahaa oo Tafsiirka ka aqrin jiray Wanlaweyn oo ay gurigiisa ku dhex toogteen iyo dad beeraley ah oo ay kaxaysteen kuwaasoo aan la ogeyn halka ay jaan iyo cirib la’aadeen.

Sidoo kale Sheekh Abuu Muscab oo wax laga weydiiyay hadallada kasoo yeeray ciidamada shisheeye ee ah iney ka baxayaan meelaha qaar iyo iney badalayaan istaraatiijiyadoodii dagaal oo ay isticmaalayaan ku dhufoo ka dhaqaaq ayaa sheegay in xaaladda shisheeyaha u muuqato socon weynaye aan orodno, waayo niman iyagiiba saadkii isgaarsiin la’ ayuu is weydiiyay isda ay ku jabhadeynayaan oo ay ku dhifoo ka dhaqaaq u sameynayaan.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in ciidamada shisheeye ku jabeen dagaalka Soomaaliya lana sugayo bixitaankooda goorey ahaataba sida horeyba Mareykanku ugu jabeen duullaanadii horraantii sagaashankii, wuxuuna dadka aan wali ka qeyb qaadan halganka uu ugu baaqay iney maanta ka faa’iideystaan fursadda oo ay kasoo gaaraan inta aysan shisheeyuhu bixin.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*