Wararka Gudaha

Faahfaahin Kasoo Baxaysa Khasaarihii Ka Dhashay Dagaal Culus oo Xalay Ka Dhacay Qoryooley.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay fiidkii hore weeraro ku ekeeyay askarta Ugnada ee heysta degmada Qoryooley ee Gobolka Sh/hoose iyo kuwa DF, waxaana soo baxaya warar dheeraad ah oo laga helay khasaaraha.

Dagaalada oo ahaa kuwa saf ballaaran ah islamarkaana hal mar lagu wada qaaday labada fariisin ee shisheeyaha iyo dowladda ayaa waxay socdeen muddo ka badan 30 daqiiqo waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday Saraakiil iyo ciidamo.

Dhanka ciidamada shisheeye waxaa looga dilay dagaalka taliyihii la socodka dhaqdhaqaaqa xeradii ay degganaayeen iyadoo sadax kalana looga dhaawacay sida wararka horudhaca ah ay xaqiijinayaan.

Sidoo kale DF ayaa waxaa uga dhaawacmay afar u badan maamulka degmada Qoryooley, waxayna kala yihiin Gudoomiyaha degmada, Ku xigeenkiisa, Madaxa Maaliyadda iyo Taliyaha ciidamada ee degmada,

Gudoomiyaha Qoryooley Siciid Cali ayaa la sheegay in dhaawaciisu uu meel dhexaad yahay balse uu daran yahay ku xigeenkiisa oo lagu magacaabo Cabdi Axmad. Sidoo kale Madaxa Maaliyadda degmada, Laqamow iyo Taliyaha ciidanka Cali Waal ayaan iyagana la dhayalsan karin dhaawacyadooda sida aan kasoo xiganay saraakiil ka tirsan DF.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale xalay saqdii dhexe weerartay ciidamada Uganda ee heysta Baraawe gaar ahaan halka garoonka diyaaradaha laga dhisayo ee Ambareeso. Inkastoo dagaalkan qudhiisu uu cuslaa, haddana kama aanan helin wax faahfaahin ah.

Habeen hore ayay ahayd markii ay ciidamada Mujaahidiintu weerareen askarta Ugnada ee heysta degaanka Buulomareer iyo kuwa DF. Waxaana muuqanaya in uu sii kordhayo culeyska Milatari ee heysta ciidamada shisheeye.

Dhawaan ayay shisheeyuhu sheegeen iney ka quusteen qabsashada dhul hor leh oo ka tirsan wadanka waxaana ay ku afgobaadsadeen iney u dagaalamayaan hab aan nidaami ahayn oo ay dadka arrimaha Milatariga yaqaanaahi ku macneeyeen socon weynaye aan orodno.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*