Wararka Gudaha

Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Asluubta DFS oo Saaka Lagu Toogtay Degmada Afgooye.

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa saaka ka dhacay weerar qorsheysan oo lagu khaarajiyay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Asluunta ee DF xilli uu kasoo toosay mid kamid ah xarumaha ciidanka islamarkaana ay u billaabantay shaqo maalmeedkiisa.

Sida aan xogta ku heleyno rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa toogtay sarkaalkan iyagoo la helay dhowr xabadood, waxaana ay wararku intaasi ku darayaan in markii ay hubsadeen geeridiisa ay isaga tageen.

Sarkaalkan ayaa caan ka ahaa degmada Afgooye gaar ahaan suuqyada waxaana uu ku magac dheeraa (Waa kaa haayaa) Toogashadiisa kadib waxay ciidamada dowladda halkaa ka billaabeen baaritaano iyo handadaad ay kula kacayeen dadka wadooyinka maraya.

Degmada Afgoote ayaa kamid ah meelaga ugu badan ee lagu beegsado Dowladda Federalka ah iyo ciidamada shisheeye, waxaana uu weerarkan kusoo aadayaa iyadoo habeen hore weerar ka dhacay degmada Qoryooley ay ku dhaawacmeen inta badan maamulkii degmadaas ugu magacawnaa DF oo uu ugu horreeyo gudoomiyihii degmada.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*