Wararka Gudaha

Askarta Jabuuti oo Lagu Jabiyay Dagaal Maanta Ka Dhacay Duleedka Jalalaqsi.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Jabuuti ee heysta degmada Jalalaqsi ay maanta sameeyeen dhaqdhaqaaq kadib markii ay wax yeello kasoo gaartay duqeyntii shalay.

Askartan oo ka baxay degmada ayaa aaday dhanka tuulada lagu magacaabo Jibiley, waxaana ay dagaal kala kulmeen ciidamo ka tirsan Milatariga Mujaahidiinta Al-Shabaab. Dagaalka oo ka dhacay inta u dhaxaysa tuulada Jibiley iyo Jalalaqsi ayaa waxay natiijadiisu noqotay in Jabuutiyaanku soo cararaan oo ay dib ugu soo laabtaan xeradii ay ka bexeen.

Ilo wareedyo ayaa Shabakadda Amiirnuur.com u xaqiijiyay in uu jiro khasaare soo gaaray askarta Jabuuti inkastoo aanan wali helin tiraro cayiman oo dhimashada iyo dhaawaca ah. Dhacdadan ayaa timid kadib markii ay saaka Jalalaqsi kasoo degatay dayuurad qaaday meydadka iyo dhaawacyada askar Jabuutiyaan ah oo shalay halkaa lagu duqeeyay.

Inta la hubo waxaa duqeyntaasi ciidamada Jabuuti looga dilay 5 iyadoo 12 kale ay kaga dhaawacmeen.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*