Wararka Gudaha

DF oo Mar Kale Xaraasheysa Shidaalka Soomaaliya.

Iyadoo dhawaan dalka Ingiriiska lagu qabtay shir lagu xaraashayay kheyraadka dalka Soomaaliya gaar ahaan shidaalka ayaa waxay dowladda Federalku sheegtay in mar kale ay iyadu dib u xaraashi doonto.

Cabdirashiid Maxamed Axmed oo ah Wasiirka shidaalka ee DF ayaa sheegay in dhowaan ay doonayaan in markale indhaha dowladaha shisheeye u bidhaamiyaan xog laga uruuriyay qeybo ka mid ah dhulka Soomaaliya islamarkaana la xiriirta sahminta shidaalka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay ku tala galeen in sadax goor lasoo bandhigo xaraashka isagoo tilmaamay in kii koowaad uu ka dhacay London, kan soo socdana uu ka dhici doono dalal shisheeye sida Mareykanka iyo meelo kale.

Dabcan wuxuu muujinayay in shirkii London ay iyagu qabteen, halka shirkadaha soo qabanqaabiyay ay sheegteen in iyagu ay qabteen.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in ay sahmin ku sameyn doonaan xeebaha dalka qaarkood COD
Dunida waxaa ka socda is badallo xawaare sare ku socda, waxaa la filayaa iney awoodooda wiiqanto dowlado ku amar taagleyn jiray caalamka, awoodo kalana soo baxaan sidaa darteed ayaa waxay aqoonyahanadu sheegayaan in Mareykanka iyo reer Yurub juhdi ku bixinayaan sidii kheyraadka Soomaaliya loola bixi lahaa isagoo cayriin ah.

Horey waxaa qeybo kamid ah badda Soomaaliya dowlado kale ugu saxiixay xubno madax ka ahaa dowladda, haddana waxaa dowladda hogaamiya muwaadiniin Mareykan iyo Yurubta ka socda, waxaana ay kaalin ku leeyihiin xaraashka kheyraadka dalka Soomaaliya, waayo iyagu ma aaminsana ku noolaanshaha wadanka oo waxa ay kusoo barbaareen dalalkaas.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*