Wararka Gudaha

Ciidamadii Kenya Ee Ka Baxay Faxfaxdhuun oo Qaraxyo Lala Beegsaday Iyo Degaan Kale oo Ay Ka Bixi Rabaan.

Ciidamada Kenya oo saaka aroortii hore ka huleelay degaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo ayaa waxaa lagu soo waramayaa in qaraxyo culus lagula beegsaday iyagoo sii lugeynaya. Wararku waxay sheegayaan in qaraxyadan ay khasaare gaarsiiyeen askartaas inkastoo aan cadada dhimasho iyo midda dhaawac wali helin maadaama uu warku degdeg yahay.

Askartan Kenyaanka ah ayaa saaka markii ay ka bexeen Faxfaxdhuun waxay afka aadiyeen dhanka Giriley waxayna u muuqataa iney doonayaan iney kasii tallaabaan dhanka Xad beenaadka. Bulsahda ku dhaqan Faxfaxdhuun ayaa maanta isugu soo baxay degaanka iyagoo muujinaya dareenkooda ku aadan bixitaanka ciidamadan.

Askarta Kenya ayaa ka hor inta aysan ka bixin degaankan waxay si joogto ah ula kulmi jireen dagaallo toos ah iyo duqeymo uga yimaada ciidanka Milatariga Xarakada Al-Shabaab. Dhanka kale wararka naga soo gaaraya degaanka Buusaar ayaa waxay sheegayaan in Kenyaanka halkaasi heysta ay qudhooda wadaan dhaqdhaqaaq bixitaan. Wixii kusoo kordha halkan kala soco. Insha’allah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*