Wararka Gudaha

Dhageyso Mid Kamid Ah Wasiiradii Uu Magacaabay Waare oo Durbadiiba Is Casilay.

Saacado kadib markii uu hogaamiyaha Hir-shabelle Maxamad Cabdi Waare ku dhawaaqay golaha wasiirada ayaa waxaa durbadiiba is casilay mid kamid ah golaha.

Wasiiru dowladahii wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta ayaa galinkii dambe ee maanta saxaafadda isugu yeeray wuxuuna u sheegay inuu iska casilay xilka loo magacaabay.

Ismaaciil Muxamad Culusow ayaa is casilaadiisa u sababeeyay inaanan lagala tashan xilka loo magacaabay sidaa darteedna uu caddeynayo inuusan shaqadaasi u heyn Waare.

Tani waxay muujineysaa inaanu waare ka fiirsan golaha uu magacaabay, waxaana dhici kara in ay is casilaan wasiiro hor leh sida hadda ka horba ku dhacday madaxda maamulada qaar.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*